Sunday, August 9, 2020

Abu Isxaaq Al-shiiraazi

 Maalin ayuu masaajidka dhexdiisa qado yar ku cunay dabadeena wuu ka baxay. Wuxu masaajidka kaga tegay oo uu ku ilaaway hal Diinaar oo uu haystay. Durba xasuusay oo ku soo noqoy, balse markuu arkay halkii Diinaar oo dhulka yaalla, ayuu fikiray oo uu naftiisa ku yidhi “waxa laga yaabaa inu cid kale ka dhacay” waanu isaga tegay. 


Maalin kale, Isagoo ku weysaysanaya webiga Dajla ayuu iska saaray cumaamadii madaxa u saarnayd. Nasiib darro, tuug baa cumaamadiisii cusbayd intuu qaatay u dhigay mid duug ah oo jeexjeexan. Isma lurine, markuu weysadii dhammaystay ayuu iska xidhay tii jeexjeexnayd ee tuuggu meesha kaga tegay. Isagoo casharkii dhigaya ayey ardaydiisii ku tidhi “Sheekh cumaamadaadii cusbayd maxaa ku dhacay?”    Si deggan ayuun buu ugu yidhi “Waxa laga yaabaa inu kii qaatay aad ugu baahnaa”


Maalin kale ayuu nin dariiqa marayaa Ey meesha taagan eryey. Kamuu aamusine wuxu ku yidhi “Waar iska daa, dariiqu adiga iyo isaga ayuu ka dhexeeyaaye”


Qof la joogaa marka uu ku hadlo erey gef ah, wuxu caado u lahaa inu ku yidhaahdo “Alla aamus baa ku seegay” 


Qofkan aan ka hadlayaa waa Sheekhii weynaa ee ABUU ISXAAQ AL-SHIRAASI oo ahaa sheekhii Shaaficiyada xilligii uu noolaa. 393-kii hijriyada ayuu ku dhashay Fayruus-abaad, waxaanu ku geeriyooday Baqdaad sanadkii 476-kii hijriga. 


Waxa uu qoray kutub aad caan u ah sida: 


المهدب 

التنبيه 

التبصرة 

اللمع 

المعونة في الجدل


Sidoo kale waxa uu leeyahay gabayo aad u xikmad badan oo googoosa. Waxan ka xusi karaa tuducyada aadka caanka u noqday ee kala ah:


‎رأيت البلاء كَقَطْرِ السماءِ . وَمَا تنبت الأرضُ مِنْ نَامِيَهْ

‎فلا  تسألَنَّ إِذَا مَا  سَأَلْت .إِلَهَكَ  شَيْئًا سِوَى  الْعَافِيَهْ


سألت الناس عن خلٍ وفيٍ  فقالوا ما  الي هدا سبيل 

تمسك إن ظفرت بذيل حر. فإن الحر في الدنيا قليل


Inkastoo uu ka tegay kutub badan oo qoran, waqtigiisiina uu ahaa nin daafaha dunida muslinka ah looga soo safro si cilmigiisa wax looga guntado, haddana Faro-madhnaan iyo faqri ayuu isaga noolaa, manuu sarrifan aqoontii Alle baray. Wuu Is-dhul dhigay markaas baa Alle kor u qaaday, wuu is sheelay balse ilaahay baa addoomihiisa kalgacal u geliyey markaas bay magaciisa sheegeen korna ugu dhawaaqeen. 


Rabbiga weyni raalli ahaanshihiisa ha ku deeqo Abu Isxaaq Al-shiiraasi.


Waxan haddii Alle qadaro aan idinla wadaagi doonaa qoraalo koobkooban oo aan u bixiyey “RAG BAA DUNIDA SOO MARAY”  


Ilaa 10 qof oo anigu aan gaar u xushay ina cajabiyey ayaan idinla wadaagi doonaa haddii Alle ogolaado.

No comments:

Post a Comment

Contemporary Elements in Somali Poetry

    Picture a world in which every task is done with the aid of the rhythmic sound of poetry. Those who live in this poetic universe have ...